ADDIS ABABA : Golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabiga deegaanka Soomaalida (XDSHSI) oo maalmihii ugu dambeeyay ku shirsanaa magaalada Addis Ababa ayaa Gudoomiye u doortay Axmad Shide oo ah wasiirka xidhiidhka dowladda Federaalka EThiopia.
Warbaahinta dawladda Ethiopia ayaa Baahisay wabixin tilmaamaysa in Axmed shide loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga D.SH.S.I
warbixinaha shirkaasi laga helayo ayaa sheegaya Isla Markiiba Axmed shide uu magcaabay Gudi farsamo oo ka shaqayn doona in shirwaynaha xisbiga lagu qabto magaalada Jigjiga.
Xilka gudoomiyaha XDSHSI waxaa hayay Madaxwaynihii hore ee deegaanka soomaalida Ethiopia Cabid M axamuud Cumar maalmo ka hor xilkaasi qabtay kadib markii uu iska casilay xilka Madaxwaynaha oo uu hayay ku dhawaad 10 sano.
Doorashada Axmed Shide ayaa noqonaysa Isbedelkii ugu waynaa ee siyaasad ahaan ka dhaqan gala deegaanka soomaalida.