Jordan (HCTV) – 7 Sannadood ayaa Xerada Qoxootiga ee Zataari oo ku taalla Xuduudka Suuriya iyo Jordan Hoy u tahay Kumanaan Qoxootiga reer Suuriya ah.
Inta badan Dadka da’da yari nolol aan Xerada dhexdeeda ahayn ma xasuustaan, sidaasi darteed ayaa qaar ka mid ah Dadka waaweyn ee qoxootiga ahi waxay isku dayayaan inay soo nooleeyaan dhaqankii Dalkooda Suuriya ee lagu khasbay inay ka soo baxaan.
Xeradan oo 7 Sanadood furnayd, waxa ku nool 80 kun oo Qof, laakiin Dadkaa 80% waxay ka yar yihiin 17 sano jir, kuwaasi oo aan arag Dalkooda hooyo ee Suuriya ama wax yar uun ka xasuusta, sida ay sheegtay Al-jazeera oo Horn Cable Tv uu warkan ka soo xigtay
Mid ka mid ah Dadka Farshaxanka ah ee Reer Suuriya oo Xerada Zataari ku nool ayaa wuxuu sawirraa Goobihii Taariikhiga ah ee ku baa’bay dagaallada ka socda Suuriya, sida kuwii Daacish baa’biisay.
Ninka Farshaxanka ah ayaa waxyaabaha uu sameeyay waxa ka mid ah Qalcadda Balmiira oo jirtay laba kun oo Sanadood, laakiin ay baa’biisay Kooxda Daacish.

Balmiira ayaa ka mid ah Goobaha Taariikhiga ah ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNISCO u aqoonsan tahay inay tahay goob Aataar ah.


“Adduunku ma burburin oo keliya dhismayaasha, laakiin waxay burburiyeen ilbaxnimadayadii. Waxaan u sameeyay (Sawirradan) inaan ilaaliyo ilbaxnimadii Suuriya, maxaa yeelay waan jecelahay Waddankayga..” ayuu yidhi, Farshaxaniistaha Tamman Al Nablisi oo u warramay Al-jazeera oo HCTV soo xigtay.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka