
Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu daray Liiska 100 qof ee saamaynta leh sanadkan 2019-ka ee Aduunka, oo ay daabacdo Majalada, the TIME magazine.
Dr Abiy Axmed ayaa tan iyo intii uu Raysal Wasaaraha Ethiopia uu noqday waxa uu isbadalo balaadhan ka sameeyey Bariga Afrika iyo dalkiisa.
Sidoo kale liiska boqolka qof ee Saamaynta leh sanadkan 2019-ka ayaa waxa ku jira madax aduunka ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, Raysal Wasaaaha Israel Benjamin Netanyahu, Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Ramaphosa.
Dhinaca kale Majaladu waxa ay iyagana magacawday Pope Francis, Agaasimaha Shirkadda Facebook Mark Zuckerberg Iyo Ciyaaryahanka reer Masar Maxamed Salah inay ka mid yihiin 100 qof ee Saamaynta leh.
HORN CABLE TV.