Berbera, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray saddex Wiish oo ah nooca loo yaqaanno (Mobile Harbor Crane) oo cusub, kuwaas oo loogu talo-galay in maraakiibta lagu raro waxna lagu dajiyo.
Qalabkan cusub ee la keenay dekeda Berbera ee Wiishashka Mobile Harbor Crane ayay xadiga qaadistoodu tahay 120 tone (boqol iyo labaatan tan), isla markaana qiimahoodu dhan yahay $12 milyan oo dollar. Baahida keenista qalabkan ayaa waxa ay ku timid dalab hay’adda Dekedaha Somaliland ay ku codsatay soo dedejintiisa, waxaana si waafi ah uga aqbashay shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekeda Berbera.
Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u faahfaahiyey horumarka ay ku tallaabsatay dekedda Berbera, waxanu ku nuux-nuuxsaday sida ay meesha uga baxday baahiyihii badnaa ee ka jiray dekedda, Sidoo kale maareeyuhu waxa uu amaanay shirkadda DP World oo u dhago nuglaatay isla markaana dayactir badan ku samaysay marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Waxaanu Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi intaa raaciyey in Dekeda Berberi ay hada la tartami karto dekedaha kale ee Caalamiga ah ee ku yaala Geeska Afrika iyo dalalka kale ee dunidaba, maadaama oo ay hada dekedu heshay qalab casri ah oo ay baahi weyn u qabtay.
Maareeyaha dekeda Berbera oo arimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi “Waxaanu maanta halkan ku daahfuraynaa qalab cusub oo casri ah oo soo gaadhay dekeda Berbera, qalabkaas oo kala ah saddex Wiish oo waaweyn oo ah nooca loo yaqaano (Mobile Harbor Crane) oo xadiga qaadistoodu uu yahay 120 tone, qiimihiisuna dhan yahay $12 milyan oo dollar, kuwaas oo maraakiibta wax ka rogi doona waxna ka dajin doona.
Waxa maanta farxad weyn noo ah iyaduna in dekeda Berbera yeelato markii u horaysay wiishash ay leedahay oo waxna ay ku rarto waxna ku dajiso, sidoo kale waxa sanadkii hore soo gaadhay dekeda Berbera Taaga maraakiibta soo xidha oo cusub oo xadigiisu dhan yahay 3,000 hoos pawer, halka Taagii horena ahaa 1,400 Hoos Power, labadii taagba hadda dekeda Berbera way ka shaqeeyaan oo maraakiibta way soo xidhaan.
Muhiimada koowaadna waxa weeyi in la tayeeyo shaqaalaha dekeda si wax-soo-saarkoodu u wanaagsanaado, Insha Allaahu 2020-ka waxa aanu rajaynaynaa September wixii ka dambeeya intaynaan gaadhin inaynu ku soo kordhino dekeda waxyaabo badan oo kale oo ay ka mid yihiin Drag-dog maraakiibta lagaga shaqeeyo, maadaama oo mandaqada aynu ku noolnahay ay maraan 30,000 kun oo markab si ay ugu soo leexdaan ama ay Crow-ga ugu badashaan,” ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, waxaanu intaaasi ku daray mar uu ka hadlayey faa’iidada wiishashkani u leeyihiin dekeda iyo dhibaatadii haysatay intii aanay dakadu lahay wa wiishash noocan ah ayaa waxa uu yidhi “Xiliga Xagaaga markay gaadho shaqadu way naga istaagi jirtay oo way naga yaraan jirtay, sababtu waxa weeyi dabayshu markay ruxdo markabka koonteenarkii lama qaadi karo ama dhaawacbuu geysanayaa ,mararka qaarna shaqada waanu joojin jirnay laba saacadood ama saddex saacadood, taas oo ku keenta caqabad weyn ganacsatada isticmaasha dekeda iyo anagaba, waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in arintaasi ay soo gabogabowday, wiishashkan waaweynina ay naga dabooli doonaan baahida weyn ee ay mudada dheer u qabtay, taasina Insha Allaahu waa guul weyn.
Mudane Madaxweyne waxa hadda uu tababar u socdaa shaqaalaha Taaga, waxaanu ku eegyahay mudo sanad ah tababarkaasi, waxaana noo hadhay todoba bilood, muhiimada koowaad ee dekeduna waxa weeyi in la tayeeyo.
Mudane Madaxweyne waxa kale oo jirta inay hadda si habsami lihi ay u bilaabantay dhismaha 400 ah ee Terminalka ahaa. Dhibaatada hada naga haysata in maraakiibta waaweyni aanay imaan karin dekeda ee na haysatay ayaa waxa ka mid ah Drive-ka oo hooseeya oo halkii laga rabay inuu noqdo 18 miter uu hada marayo 12 miter, insha allaahu bisha todobaad waxa aanu bilaabaynaa qoditaanka dhismaha dekeda cusub oo Drive-ka 18-ka ah ay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn ee dunida oo dhami isticmaasho.
Dekeda Berberi waa dhuunka iyo albaabka ay Somaliland wax usoo maraan, mudane Madaxweyne anaga oo ku shaqaynayna barnaamijkaaga xukuumada waxa naga go’an in aanu casriyeyno dekeda oo aanu ku soo kordhino imkaaniyaadkii ay dekedi yeelan lahayd si aanu ula jaanqaadno mandaqada ama geeska insha Allaahu waxaanu rajaynaynaa inta aynaan gaadhin 2020-ka in dekeda laga dareemi doono isbadal balaadhan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi.
Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dhismaha dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna oo isaguna munaasibadda xadhigga lagaga jaray wiishashka cusub ee dekedda Berbera la keenay, ayaa caddeeyey inay shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda.
Gudoomiye ku xigeenka shirkadda DP World isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Keenista dhamaan qalabkan oo noqon doona ku ay isticmaasho dekedu, ayaa loo isticmaali doonaa dhinacyo farabadan, gaar ahaana Terminalka wax lagu soo rogo iyo ka wax laga dhoofiyo.
Kaas oo raaligalin doona inay ku isticmaalaan baahiyaha dalka iyo dhamaan dalalka jaarka ah, waxaanay dekeda Berbera ka dhigi doontaa dekeda ugu weyn gobolkan,” ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka shirkadda DP World, Suhail Al Banna oo isaguna halkaasi ka hadlay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa munaasibadda ka jeediyey hadallo dhinacyo badan leh oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u danaynayso in la dhammaystiro dhammaan baahiyaha guud ee ay dekeddu leedahay, Waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dekedda Berbera, isaga oo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahadnaqay go’aankii uu dalka ku keenay shirkadda dekedda Berbera gacanta ku haysa ee DP World oo horumar ballaadhan iyo casriyeynba ku samaysay dekedda, madaxweynaha oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Maanta waa maalin taariikhdeeda leh oo magaaladan Berbera sodon sano waxaynu u soo joognay dekedan oo aan dooni ku soo xidhan kuwo yaryar mooyaane oo odayaashii reer Berbera ee meesha joogay ay ka wakiil yihiin ama ay leeyihiin, kuwaas oo aad u yaryaraa ay iman jireen.
Waa kale oo jirtay in dawladii Siyaad Barre ay baabiisay oo dadku ka soo noqday qoxoonti ayaynu goobjoog u ahayn, waxa kale oo aynu usoo joognay afar sano ka bacdi 1973-kii iyo 1975-kii August ayaan filayaa ayay ahayd maalintii u horaysay ee la qarameeyey dekeda Berbera oo Ciidamadii joogay markaa ay ahaayeen kuwo aan naf lahayn oo ku meermeerayey doomo yaryar.
Abaalka dekeda Berbera waxaynu ugu mahadnaqaynaa oo hirgaliyey Madaxweynuhii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal illaahay ha u naxariistee, hadaan maalintaa la qaramayn kamaynaan duwanaaneen kuwo Muqdisho oo kale. Waxa ku xigay maalmo badan oo aynu halkan ku murmaynay Berbera aynu u dhiibno DP World iyo Kambaniyo kale oo ka soo horeeyey oo caqligeena dhamaanteen ku xidhnaa waa la ina dhacayaa, dekedeenaa la qaadanayaa yaynaan yeelin, waxa illaahay ina siiyey aynu iska haysano, cidna yaynaan u ogolaanin oo dhamaanteen aynu cadhaysnayn ayaa jirtay, layaab maynaan lahayn, dadku markay dagaalada galaan, markay wareeraan, markay duruufta, dhimashada iyo quxu ka bato, maskaxdoodu waxay noqotaa inuu isdaafaco oo cid walba uu ka shakiyo, shacabkeena dhamaan marka la isku wada daro, waxaynu u mahadnaqaynaa oo taariikhdaa kaligii leh oo ku dagaalamay Sacad Cali Shire.
Waxaynu u mahadnaqaynaa Madaxweynihii iga horeeyey Axmed Siilaanyo oo ahaa shakhsigii keenay arintan aadka la iskaga horyimid oo ku adkaystay oo fikirkaa inoo hirgaliyey oo dekeda Berberi ay tahay taa maanta aduunka oo dhami uu majiiranayo ay tahay.
Maantana waa taariikh cusub in dekedii Berbera la balaadhinayo, saddex cisho ka hor halkan Berbera waa laga furay wershad lagu sifaynayo Baadroolka Qaydhin, hore waxa aynu u furnay deked 400miter aynu u dhagaxdhignay, maanta waxaynu furaynaa wiishash.
Hadaba inaga Somaliland ahaan maxaa inagu waajib ah? Inaynu ilaahay u mahadnaqno marka hore oo aynu keeno caqligii ummaddaas oo dhan aynu ku hanan lahayn marka aynu bani’aadmiga soo dhaweyno ee aynu wax la qaybsano ee dadku inagu soo dhiirado ayuunbaynu horumar samayn karnaa.
Dawladdan Imaaraadka ee wax inatartay ee aynu maanta u mahadnaqaynaa 1971-kii ayay xornimada qaateen, Soomaaliyana waxay ahayd dawladda Afrika ugu xooga weyn markaa.
Somaliland iyo Imaaraadka marka taariikhdooda dib loo raaco waxa ina wadagumaystay Ingiriiska, iyagu may ahayn (kuwo la gumaystay, manay ahayn maxmiyad, way ka sii fogaayeen oo waxay ahaayeen Tutorial Emirates, Imaaraadkii la heshiisiiyey sideena oo kale ayay gaala iska qaadayeen oo ay is-dhacayeen, Ingiriiska ayaa isku jiiday oo heshiisiiy.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu dhan yahay 400M (Afar Boqol oo mitir), waxana uu indhihiisa ku arkay shaqooyinka kala duwan ee dekeddaas lagu dhisayo oo si habsami leh halkaas uga socda.
Waaxda Online-ka HCTV