War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, uu warqadaha aqoonsiga ee danjiranimo ka guddoomay maanta Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh.
Kuuriyada Koofureed ayaa ka mid ah Wadamada ugu caansan dunida ee soo saara Agabka Tiknoologiyadda ee dunida.