Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu qeexaa inuu yahay Isbadal sameeye, sumcadna uu ku helay inuu isbadal ka sameeyey dhinacyada, Siyaasada, Ganacsiga iyo Diblomasiyada wax ka yar 12 bilood tan iyo intii uu xafiiska ugu sareeya Ethiopia uu qabtay bishii April ee sanadkii la soo daafay.
Go’aanka Abiy’s uu is-fahamka kaga dhex dhaliyey Ethiopia iyo jaarkeeda Eritrea, ayaa keenay kala aragti duwanaansho, dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo hor leh oo ka dhaca Geeksa Afrika.
Waxaana heshiisyada nabadu ay saamayn wanaagsan ku keentay Siyaasada iyo dhaqaale, iyadoo kooxo maleeshiyooyin ah oo qaxoonti ku ahaa Eritrea ay dib usoo celisay, waxaana gacansiga kor u qaaday suurtagalnimida cusub ee ka dhigtay in la isticmaalo badda ama Asmara.
Hadaba Warbixintani waxa ay hoosta ka xariiqaysaa Furaha Isbadalka uu Abiy Axmed uu qaaday si uu u dajiyo dhaqaalaha dalkiisa, iyo lacagta dibadaha oo dalkiisa ku yaraatay, xiligii uu xafiiska la wareegay.
Inkastoo Ethiopia ay tahay dalka dhaqaalihiisu uu horayo Qaarada Afrika tobaankii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa ah dal aan bad lahayn oo ay ku noolyihiin in ka badan 100 milyan oo qof oo si balaadhan ugu tiirsan waxyaalaha dibadaha uga yimaada.
Waxaana markii uu Abiy uu xafiiska la wareegay, ay dadka u dhuun daloola dhaqaalaha dalka Ethiopia ay sheegeen in Lacagta dibada ee uu haysto ay hoos u dhigtay wax ka yar bil wixii dalkaasi loo soo dhoofinayey, oo qayb ahaana ay sabab tu tahay kharashaad xoog leh oo ku baxayay mashaariicda waaweyn oo kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Waxaana 15-kii sano ama 20-kii sano ee u dambeeyey dawlada looga diqayey mushkilad lacageed inay wajahdo, maxaa yeelay waa sii socday balaadhin lagu samaynayo kaabayaasha iyo qaybta warshadaha dalkaasi, kharashaad xoog leh oo lagu bixinayey, Abiy Axmedna waxa uu furfuray dhaqaalaha dalkiisa si uu usoo jiito Maalgashiga dibada.
Heshiisyada Dekedaha Jaarka
In laga shaqeeyo sidii loo dheelitiri lahaa caqabada dalkan aan badda lahayn, dawlada Abiy Axmed waxa ay meel saartay inay heshiisyo la gasho dekedaha jaarkeeda si ay u isticmaasho dekedaha dalalka (Kenya, Sudan, Eritrea iyo Djibouti).
- Ethiopia waa inay ku biirtaa adeegyada lagu horumainayo dekeda Djibouti iyadoo fursad loo siinayo shirkadaha qaranka Ethiopia leeyahay.
- Ethiopia waa in ay dhinaca Logistic-kada ay ka qaybqaadataa dekeda Kenya ee Lamu.
- Ethiopia waa in ay fursad ka heshaa dekeda Sudan.
- Ethiopia waa in 19 boqolkiiba ay ka heshaa dekeda Berbera, ee Jamhuuriyada Somaliland ee ka go’day Somalia
- Ethiopia waxa ay hada ogolaansho ka heshay dekedaha Eritrea, tan iyo bishii July 2018-kii oo heshiis la kala saxeexday.
- Djibouti-na waxaabay la leedahay in ka badan 95 boqolkiiba ganacsiga dhulka xidhan ee Ethiopia inuu tago.