Ceerigaabo (hctv.tv) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa goobta ka jeediyey, ayaa shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceerigaabo uga mahad celiyey sida meeqaamka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sharraxay muhiimadda gobolka Sanaag qaranka u leeyahay iyo sida ka xukuumad ahaan ay xilka isaga saareen in waxqabad buuxa laga hirgeliyo gobolka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka reer Ceerigaabo u sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyinku, si loo ilaaliyo midnimada ummadda, qaranka difaaciisu tahay waajib cid kasta saaran.