Maleeshiyo Hubaysan Oo Aabo Iyo Laba Caruur Ah Ku Dilay Deegaan Hoos Yimaada Gaalkacayo

Gaalkacayo, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maleyshiyo hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay xalay saqdii dhexe dad Shacab ah ku laayay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Weerarkaasi ay maleeshiyadu qaaday ayaa waxa lagu dilay Aabe iyo laba caruur oo ma gacyadooda la odhan jiray Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 jir ah.
Wararku waxay sheegayaan in hooyada reerka aysan goobta joogin marka uu falku dhacayay, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah ehelada qoyska.
Lama oga cidda ka dambeysa weerarkaas, hase yeeshee deegaanada miyiga ee hoos yimaada Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dhacdooyin salka ku haya aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya beelo ood wadaag ah oo halkaasi wada daga.
Maamulka Galmudug oo ka arrimiya deegaankaas ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo dhacdadan dadka shacabka lagu laayay iyo cidda falkaas ka dambeysay.