Ugu Yaraan 8 Qof Oo Toogasho Lagu Dilay Gobolka Georgia Ee Dalka Maraykanka

Atlanta, (HCTV) – Ugu yaraan 8 qof, oo ay ku jiraan 6 haween Asian ah ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday seddex goobood oo kala duwan oo ku yaal gobolka Georgia ee dalka Maraykanka.

Weerarkan toogashada ah ayaa loo xidhay nin cadaan ah 21 jir ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu abaabulay dhammaan saddexda weerar.

Toogashada ayaa ku soo beegmaysa xili dad badan oo Asian-American ah ay la soo daristay cabsi ka dib markii ay dhawaanahan ku soo bateen dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah bulshada waxayna keeneen cabsi degdeg ah oo ah in ganacsiyada ay Asian-ku maamusho laga yaabo in si ula kac ah loo beegsanayo.