Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muse Bihi Abdi ayaa ergada shirweynaha 4aad ee xisbiga Kulmiye usoo jeediyay shirguddoonka Shirweynaha si ay u ansixiyaan.
Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu Ergada usoo jeediyay in;
- Abdikariim Ahmed Maxamed-Xinif noqdo Guddoomiyaha shirguddoonka shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE.
- Cali Maxamed Cali uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka shirguddoonka Shirweynaha aaad ee xisbiga KULMIYE.
- Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee shirguddoonka Shirweynaha Shirguddoonka Shirweynaynaha.
- Faysal Cumar Madar uu noqdo Xoghayaha Shirguddoonka Shirweynaha 4aad shirweynaha KULMIYE.
Waxaana mid-mid u ansixiyay Ergada shirweynaha.