Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh “Itoobiya waxayba diidan tahay inay aqoonsato in dalkeenu yahay qaran jira waana taas Sababta aan Ankara uga soo kala tagnay”.

Muqdisho (hctv.tv) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad uu caawa jediyey oo warbaahinta Dawladu baahisay kaga hadlay xaaladda dalka, duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed, canshuuraha, iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya isagoo sheegay in Itoobiya diiday inay Aqoonsato Dalkeenu yahay qaran jira, waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya iyo arimo kale.

Khudbada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socotay 27 daqiiqo halkan ka daawo iyadoo dhamaystiran.