Burco (hctv.tv) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Burco ayaa Dhaliilo culus u jeediyey Dawlada Turkiga uu sheegay inay Somaliland u la dagaallamayso kadib markii ay ku fashilntay rabitaankiisii ahaa in uu mideeyo Somaliland iyo Somalia.
Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa ka hadlay Ciidamada Masaarida ah ee imanaya Soomaaliya waxanu sheegay in Masar Intay la dagaalanka Somaliland Xamar Ciidanka ugu soo dirayso, inay Marinka Rafah furto taas ayaa looga baahanyahay ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.