Turkiga ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib u billaabayaan wada-hadallada heshiiska dekedda

Turkey’s foreign minister

Ankara (hctv.tv) Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay markii Itoobiya ogolaatay in 20km (12 mayl) oo xeeb ah laga kireeyo Somaliland si ay u aqoonsato madax-banaanideeda.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay heshiiska dekedda ee Itoobiya ay la saxiixatay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta aqoonsiga Itoobiya ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo madax-bannaanida siyaasadeed laga xaqiijinayo,” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul maanta Jimcihii.

Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka wadaa wada-hadallada u dhexeeya dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika, kuwaas oo xidhiidhkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya ogolaatay in 20km (12 mayl) oo xeeb ah laga kireeyo Somaliland si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda, Soomaaliya waxay sheegtay in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda.

Heshiisku waxa uu Itoobiya u ogolaanayaa in 50 sano ay kiraysato saldhig ciidan oo ay ka hesho dekedda Berbera ee Somaliland. Waxaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi