
Washington (HCTV) Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo hadlay diyaaradda Maraykanku leeyahay oo Iran ay maanta soo ridday waxaa uu yidhi
” Iran Khalad Wayn ayay Samaysay” isagoo hadalkaasi soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
ilaalada kacaanka Iran ayaa saaka shaaciyay inay soo rideen diyaarad nooca daroonka loo yaqaano ah oo soo gashay hawadooda.
sarkaal u hadlay ciidanka Iran ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay dagaal buuxa isla markaana ay ka jawaabayaan gardarro kasta oo dibadda kaga timadda.
Afhayeen u hadlay gaashaan dhigga Maraykanka ayaa beeniyay sheegashada Iran ee ah in diyaaradaasi ay soo gashay hawadooda.
HORN CABLE TV.
WAAXDA ONLINE-KA
