Qof rakaab ah oo saarnaa Diyaarad u kala Gooshaysay Dalalka UK iyo Pakistan ayaa ku kacay fal khatar galiyay diyaaraddii u la socday.
diyaaradda oo ka tirsanayd shirkadda duulimaadka ee Dalka Pakistan ee magaceeda losoo gaabiyo (PIA) ayaa in ka badan 7 saacadood Jimcihii ku xanibnayd, garoonka diyaaradaha ee magaalada Manchester, kadib markii qof rakaabka ka tirsan oo aan la shaacin macluumaadkiisa uu si aan badheedh ahayn u furay Al-baabka la baxo xiliga masiibooyinka iyo xaaladda degdega ah, xilli ay diyaaraddu fadhiday Madaarka oo ay isku diyaarinaysay inay duusho.
ninkani rakaabka ahaa ayaa u socday albaabka Musqusha, balse waxaa uu furay albaabka loogu talo galay xaaladaha degdega ah inay rakaabku ay ka baxaan.
shaqaalaha garoonka Manchester, ayaa saacado badan ku hawlanaa inay dib u xidhaan albaabkaasi oo u baahan hab farasamaysan in loo xidho si aanuu u furmin diyaaradda oo hawada ku jirta.
diyaaradda ayaa ka duushay madaarka Manchester waxaana ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Islamabad.
HORN CABLE TV.
WAAXDA ONLINE-KA.