Hargeisa (HCTV) Magaalada Hargeisa waxaa maanta ku Geeriyooday Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf- (Cabdi Waraabe )
Taliyihii Hore waaxda Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (maxamed Cambaro) oo ehelka Marxuum Xaaji Cabdi ka mid ah ayaa Horn Cable TV u xaqiijiyay Geerida Marxuumka ku timi.
Bilihii ugu dambeeyay Xaaji cabdi waxaa dhawr jeer Xanuun loo dhigay Cisbitaalka uu hadda ku geeriyooday ee loo yaqaano Internationalka ama masaarida ee ku yaala Koonfurta Hargeisa.
MAXAA LAGU XASUUSTAA CABDI WARAABE ?
Marxuum Xaaji Cabdi Xuseen waxaa uu aad ugu Suntanaa Taariikhda Nabadda iyo dib u Heshiisiinta umadda Soomaalida gaar ahaan waxaa si wayn loogu xasuustaa gacantii uu ka gaystay dhismaha iyo Xasilintii Somaliland oo ay soomaalidu aad ugu barteen, doorkiisa odaynimo ee uu qaadan jiray marka ay adkaadaadaan xaaladaha Nabadgalyo ama siyaasadeed ee Somaliland oo uu wakhtigiisa oo dhan ku bixin jiray maslaxadda iyo isu dhawaynta bulshada oo in badan Talooyinkiisa ay kusoo caano maaleen umadda Reer Somaliland.
Waxaana uu muddo dheer ahaa Mudanaha ugu Da’da wayn Golaha Guurtida Somaliland.
qiyaastii 1898kii ayuu Marxuumku ku dhashay baadiyaha uubaale ee duleedka koonfureed ka xiga Hargeisa, sida ku xusan buug laga qoray taariikh nololeedkiisa 1940-kii ayaa loo cumaamaday caaqilnimo isagoo 35 jir ah.
BAAXADA QOYSKIISA
waxaa uu dhalay 29 ubad ah inta dhimatay iyo inta Noolba marka laysku daro tirada guud, waxaana uu Guursaday Saddex Haween ah.
marka la eego caruurtiisu ubadka ay sii dhaleen waa qoys balaadhan oo dad badan ay ka tafiirmeen.
GOOBTA AASKA.
Waxaa la filayaa in bari 9ka subaxnimo lagu aasi doono Xabaalaha Toon oo ku Taala Duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeisa.
Ilaahay Samir iyo imaan haka siiyo dhammaan umaddii uu ka baxay xaaji cabdikariim Xuseen.
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun.