Shaygoosh (HCTV) – Inta la ogyahay Hal Qof oo ka mid ahaa Fanaaniinta Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku geeriyootay shil baabuur oo Maanta ka dhacay Deegaankaasi.
Shilkan oo ka dhacay inta u dhaxaysa Qabri-dahar iyo Shaygoosh ayaa waxa ku Geeriyootay Allaah u naxariistee Fannaanad Magaceedu ahaa Fadxi Cabdi Cali (Fadxi-Nuura).
Waxa kale oo Shilkaasi ku dhaawacmay Illaa 7 Fannaan, waxaana qaarkood soo gaadhay dhaawac culus, sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha deegaankaasi.

Shilkan ayaa dhacay ka dib markii ay isku dhaceen Gaadiid kolonyo ah oo la socday Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar oo ku sii jiiday Gobolka Af-dheer.
Horn Cable Tv
Waaxda Online-ka