Khartuum, (HCTV) – Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in Ciidamada Booliisku ay Toogasho ku dileen ugu yaraan 16 qof oo dibad bax Ka dhigayay Fagaare ku yaala Caasimadda suudaan ee khartuum.
toogashada ayaa timi kadib markii dibadbaxayaashu ay diideen in ay mudaharaadada joojiyaan ilaa inta dawlad rayid ah lagu wareejinayo talada dalka.
ugu yaraan 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay Rasaasta Booliisku ay ku fureen Mudaaharaadeyaasha.
HOGAAMIYIHII INQILAABKA OO IS CASILAY.
General Awad Ibn Auf ayaa ku dhawaaqay Xalay goor dambe inuu xilka ka degay kadib markii ay dibadbaxayaashu ka tagiwaayeen fagaareyaasha iyagoo dalbanaya in militerigu ay awoodda ku wareejiyaan dawlad Rayid ah.
“Anigoo ah madaxa golaha military-ga, waxaan ku dhawaaqayaa inaan xiska iska casilo, ayuu yidhi Ibn Auf, isagoo sheegay in talaabada go’aankan uu u qaaday si uu u ilaaliyo midnimada ciidanka.
Sidaa darteedna uu ku wareejiyey General Abdel Fattah Adelrahman Burhan inuu hogaamiyo golaha ku meelgaadhka ah ee Milatariga.
Iscasilaadan Madaxa Golaha Milatariga dalka Sudan ayaa imanaya 30 saacadood ka dib markii uu afgambi ku riday madaxweynihii 30ka sanadood xukumayey dalkaasi Sudan ee Cumar Xasan Al-basbhiir.
Waaxda Online-ka HCTV