Hogaamiyaha khaatumo,Dr.Cali Khaliif Galaydh ayaa Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeisa.
Dr cali, waxaa Madaarka kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe iyo Xubno kale.
Dr cali khaliif ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta u sharaxo qorshaha soo laabashadiisa, balse Xogo uu helay HCTV ayaa tilmaamaya in Dr. Cali Khaliif, uu Hargeisa u yimi sidii loo ambaqaadi lahaa Wadahadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Khaatumo oo hakad Galay intii uu xilka hayay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.