Shir jaraa’id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, kaddib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xisbigu go’aansaday in tallaaabo laga qaaday cid kasta oo qeyb ka noqotay kicinta bulshada iyo rabashadii dhimashada sababay ee ka dhacay deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
‘’Waxaa jirta talaabo xagga sharciga la xidhiidhta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, “ayuu yiri Axmed Shide.
Laakiin guddoomiye Shide ma uusan sheegin magacyada xubnaha isku darkoodu gaarayo 11ka ruux ee laga saaray golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga.
Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI.
Source Hiiraan